Abwaaniin iyo Fanaaniin reer Jabuuti uu hogaaminayay Abwaan Sangub oo Muqdisho soo gaaray

Waxaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho Abwaaniin uu hogaaminayay Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub oo ay wehliyaan Fanaaniin reer Jabuuti oo ka socda Kooxda Hobolada qaranka ee Deegaan.

Abwaan Sangub oo saxaafada la hadlay markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in muuqaal ka duwan kii ay ku maqli jireen magaalada Muqdisho ay arkeen, isagoo bogaadiyay horumarka iyo is bedelka ka jira Caasimada.

“Anaga sidii naloo sheegayay oo aan aheyn sidii aan fileynay ayaan aragnay, waxaa ku soo noqday sidii aan ogaa si ka duwan, anaga madax ayaa na watada, waxaan u nimid inaan ka qeyb qaadano Munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud”ayuu yiri Abwaan Sangub.

Mar uu ka hadlay aragtigiisa magaalada Muqdisho ayuu sheegay in magaalada uu yimid xilligii dowladdii C/qaasim, isla markaana aanay xilligaas aheyn mid dhisan, balse maanta ay tahay magaalada mid dhisan.

“Waxaa nala socda Kooxda deegaan, waxaa kooxda ay kaga duwan tahay sidii hore iyagoo yar yar oo halkanka bilaabeen, maanatana qaarkood ay ciro leeyihiin ayaa xamar jooga”ayuu sii raaciyay hadalkiisa Abwaan Sangub.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Kooxda Hobolada reer Jabuuti ee deegaan Abwaan Maxamed Xasan Nigil ayaa tix gabay ku cabiray imaanshahooda Muqdisho, isagoo is weydiiyay Ma runbaa ma riyaa inaan Xamar joogno, kooxdii deegaan Xamar oo nabad ah ku timid.

Maanta ayaa la filayaa in wafuud caalami iyo marti sharaf ay ka qeyb galaan Munaasabada caleema saarka Madaxweynaha la doortay Xasan Sheekh Maxamuud. 

Print Friendly

Related posts:

PDF Download    Send article as PDF